Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo gaadiid dagaal ka dejisay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaadiid dagaal kuwii ugu badnaa waxay ka dejisay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Dadka degaanka ayaa ku waramay in ay arkeen illaa iyo dhowr xabo oo gaadiidka oo isugu jira Cabdi Bileyaal iyo kuwa kale.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in arrintaan ay qayb ka tahay ololaha xoogan ee dowladdu ciidamadu ku geyneyso gobolka.

Maamulka gobolka ayaa mar sii horeysay tilmaamay in ciidamadda ay qayb ka noqon doonan howlgaladda ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhanka kale, waxaa sheegayaa in ay duleedka Beledxaawo ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamadda dowladda iyo kuwa taabacsan Jubaland.

Askarkaas ayaa la sheegay in ay daacad u yihiin Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland, oo si dhuumaaleysi ku tegay halkaas.

Janan ayaa la sheegay in 28-kii Janaayo sanadkan 2020-ka uu ka baxsaday goob uu ugu xirnaa Dowladda Federaalka oo haatan ku raadjoogta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this