Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga SUDAN Oo Taageeray Xidhiidhka Dublamaasiyadeed Ee Dalkoodu La Yeelanayo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Ciidammada Millatariga Sudan ayaa taageeray hoggaamiyaha waddanka Sudan kulankii uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayna ka wada hadleen sidii xidhiidh u dhex mari lahaa labada dal.

netan-burhan.jpg

Hoggaamiyaha Maamulka Sudan General Abdel Fattah al-Burhan ayaa la kulmay saraakiisha u sarreysa ciidammada millatariga Sudan kadib markii uu dib ugu soo laabtay dalkiisa.

Kulankan ayaa waxaa uu saraakiisha ciidamada uga warbixiyay wadahadaladii uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Netanyahu.

Hase yeeshee kulanka uu la yeeshay General Burhan ra’iisul wasaaraha Israel Netanyahu ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay inta badan golaha wasiirrada xukuumadda Sudan.

Hoggaamiyihii hore ee la afgambiyay Cumar Xasan Albashir ayaa xukuumadii uu hoggaaminayay si weyn ugaga soo horjeeday Israel iyo dhibaatooyinka ay ku hayso shacabka Falastiin

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this