Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaadiid dagaal oo badan oo gaaray Beled-Xaawo iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay gaaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo dhowaan ay qabsadeen ciidanka federaalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiidka halkaas gaaray ay yihiin kuwa shalay ay diyaaradda ka dejisay garoonka Doolow, kadib markii laga qaaday magaalada Muqdisho.

Xogtan ayaa waxaa Caasimada Online la wadaagay qaar ka mid ah maamulka degmada. Sidoo kale, Daahir Aadan Maxamuud oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inuu arkay gaadiidka.

“Qiyaastii illaa labaatan tikniko iyo saddex gaari oo kale oo kuwa raaxada ah ayaan aragnay. Waxaana jira in la leeyahay baabuurta kale ee qufulan ayaa ku soo wajahan magaalada Beled Xaawo.” Ayuu yiri Daahir Aadan.

Sida uu sheegay Daahir Aadan, dadka ku nool Beled Xaawo ayaa xalay isku soo baxay si ay ugu dabaal-degaan islamarkaana ay usoo dhoweeyaan Ciidamada Dowladda iyo gaadiidkooda la keenay magaalada.

Ciidamada Dowladda Soomaaaliya ayaa fiidnimadii habeenkii Talaadada waxa ay si nabadgelyo leh kula wareegay gacan ku haynta Degmada Beled Xaawo, ka dib markii ay isaga baxeen ciidankii taabacsanaa Maamulka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Ciidamadii Jubbaland ee taageerayay Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), ay iminka ku sugan yihiin xuduuda, ayna doonayaan inay la dagaalamaan Ciidamada Dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this