Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo saaray farriin culus oo ku wajahan DF iyo dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada inay dib usoo nooleeyaan wada-shaqeyntooda, is ayaga oo kaashaanata saaxiibada gobolka iyo kuwaa caalamka ay uga adkaadaan Al-Shabaab, islamarkaana dib ugu soo neelaayaan dowladnimada, ammaanka iyo baraaraha shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu wadayo daadaallada ay kula hadlayaan dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

“Hanaan wada-hadal iyo isu-tanaasul oo dib loo soo nooleeyo waxa uu lagama maarmaan u yahay dhammaan dhinacyada si wax looga qabto caqabadaha amniga, wanaaga dadka Soomaaliyeed dartood. Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay sare u qaaddo hadafyada iyo ujeedooyinka aan wadaagno,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay ka go’an tahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay ka taageero dadaallada ay ku dhisanayaan hay’adaha dowliga ah ee ka shaqeeynaya baahidooda.

“Waxaan garowsanahay in Soomaaliya ay mareyso marxalad adag oo qeyb ka ah safarkeeda ku wajahan dimoqraadiyadda. Ayada oo hanaankii doorashooyin ee dhowaanahan aysan wada noqon kuwa wada saxan, haddana waxaan dhammaan Soomaalida ugu baaqeynaa inay diiradda saaraan dib u heshiisiin.”

“Ayaga oo dib u xaqiijinaya dib u heshiisiin dhex marta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, hogaamiyayaasha Soomaalida waxay ka dhabeyn doonaan ballan-qaadyadooda ah inay sare u qaadaan siyaasad loo dhan yahay, islamarkaana raadiyaan nabad-gayo, xasilooni iyo degenaan muddo fog oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladda dhexe, dowlad goboleedyada, baarlamanka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan aas-aasidda amniga, si loo xaqiijiyo doorashooyin la isku haleyn karo oo dhaca 2020/21.

Dowladda Mareykanka waxay tiri, inay muhiim tahay in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay u wada-xaajoodaan si daacad ah, iskana caabiyaan hamiga ay ku noqon karaan qas-wadayaal, kana fogaadaan wax kasta oo waxyeeleyn kara hanaanka siyaasadeed.

Press-Statement-1.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this