Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo ka warbixisay ciidamada ay geysay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay dadaal uga jirto siddii guud ahaan Goballada dalka looga xorreyn lahaa Al-Shabaab ayaa ciidamado geysay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo..

Qaar ka mid ah Gobalada dalka ayaa maalmihii la soo dhaafey waxaa gaarey ciidamo si gaar ah u tababaran oo dowladda Federalka ugu talagashey in ay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in Gobalka Gedo degmooyin badan oo ka tirsan 3-dii maalin ee ugu dambeysey ay soo gaarayeen ciidamo aad u qalabeysan oo dowladda ka tirsan.

Meelaha Ciidamadan la geeyey ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka Baardheere, Beled-Xaawo iyo Luuq ee ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana ay xoojin doonaan ciidamadii hore ee halkaasi ugu howlgeli jirey.

Saraakiisha Ciidamada ayaa intaas ku daray in ammaanka deegaanadaas ay yihiin kuwo dowladda ay si guud gacanta ugu heyso xiligan, ayna qorsheynayaan inay balaariyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this