Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo digniin culus hawada u marisay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay faragalinta siyaasadeed iyo midda amni ee dowladda Kenya ay ka waddo gudaha dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay mowqifka dowladda ee ah inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo midda amni ee ay dowladda Kenya ka waddo gudaha Soomaaliya, taasi oo aan u wanaagsaneyn xiriirka labada dal.

“Waa in aan Dowladda Kenya u adeegsan ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya macaga dalada AMISOM faragelinta arrimaha siyaasadda gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka

84916097_2547583538844292_1826286361309609984_o.jpg?_nc_cat=1&_nc_oc=AQlIdcJvPthM8xBmKsqUNYtSBCjEQ8vhjoQ9Ex_5Nf71UHgwd9wWaOTRZ5qVYDE87VI&_nc_ht=scontent-lht6-1.xx&oh=663b5f80bcd4e77e42c0fdf9dfe51d90&oe=5EC2DBAA

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this