Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Ku Eedeysay Kenya Inay Faro-galin Ku Hayso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo mid amni oo ay ka wado dowladda Kenya gudaha Soomaallya, taasoo aan u wanaagsanayn xidhiidhka labada dal iyo labada shacab ee Walaalaha iyo deriska ah. iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay kamid tahay la dagaalanka  Argagixisada.

War-saxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku jooga magaca Amisom iyo midowga Afrika ay sameeyeen farogalin siyaasadeed iyo khalkhal galin amniga oo gudaha ah.
“Sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa Golaha Amniga iyo African Union ee Ciidamada AMISOM ku joogaan dalka Soomaaliya, waa in aan Dawladda Kenya u adeegsan Cildamadeeda ku jooga Soomaaliya magaca dalada AMISOM  faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Dawladda Federalka Soomaaliya waxay hadalkeeda ku dartay in mar waliba raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, ayna aqbali doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo aysan ku Jirin maslaxada gobolka iyo nolosha shucuubta dagta.

202025637164859857446821.jpg?resize=563%

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this