Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka, Imaaraadka Iyo Israa’iil Oo Yeeshay Kulan Qarsoodi Ah Oo Loogu Tashaday IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Sida ay qortay Axios Dowladaha Mareykanka, Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo ka dhan ah Dowladda Iiraan.

1580835423740-1.jpg

Kulankaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa lasoo sheegay inay seddexda Dowladood kaga hadleen sidii xal looga gaadhi lahaa xiisadda u dhaxeyso Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan si Bariga Dhexe u noqdo aag nabdoon.

Seddexda Dowladood ayaa isku soo hadal qaadayey sidii xiisadaan loogu dhameyn lahaa qaab nabadgalyo ah oo aanu dhiig ku daadan.

Wakaaladda wararka Axios oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa tilmaamtay inuu kulankaan ahaa mid qarsoodi ah oo saxaafadda laga qariyey balse la ogaaday inuu ahaa mid ka dhan ah Dowladda Iiraan iyo sidii loo qiyaameyn lahaa.

Dowladaha Israa’iil iyo Mareykanka ayaa Imaaraadka Carabta u xil saaray arrimaha la xidhiidha Bariga Dhexe iyo xalinta Khilaafka Dowladda Mareykanka iyo Iiraan.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa laga dalbaday inay ka shaqeyso sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeyo Mareykanka, Iiraan iyo Dowladaha Carabta.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sarkaal sare oo ka tirsan aqalka Sare, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiyo Mareykanka iyo xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil.

Netanyahu ayaa waqti badan iyo juhdi ku bixiyey sidii uu xidhiidh wanaagsan ula yeelan lahaa Dowladda Imaaraadka Carabta si uu ula dagaalo Dowladda Iiraan.

Halkan hoose ka akhriso warbixintan ay qortay Wakaaladda wararka Axios

https://www.axios.com/israel-uae-white-house-meeting-iran-trump-kushner-ec81aa24-02db-4920-b4f2-88eec301222c.html

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this