Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Mamnuucday Ka Ganacsiga Gadiidka Dab-demiska

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Somaliland Oo Mamnuucday Ka Ganacsiga Gadiidka Dab-demiska

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa mamnuucay ka ganacsiga gaadiidka loo adeegsado bakhtiinta dabka, laga bilaabo afarta bisha afarraad ee sannadkan 2020. Go’aankaasi oo ka dhaqan-gelaya Dhammaan gobollada Dalka.
sddefault.jpg

Wareegto uu shalay soo saaray Wasiirka Gaadiidku ayuu ku sheegay in qaraarkan uu soo saaray ka dib markii uu taliska ciidanka dab-demiska Somaliland soo jeediyey in ay fasax ka qaataan ciddii uu baahan in ay dalka keenaan gadiidka dabka bakhtiiya .

Wareegtada Wasiirka waxa kale oo lagu xusay in muwaadiniinta doonaaya in ay dalka keenaan gadiidka dabka bakhtiiya ay ruqsada ka qaataan taliska Ciidanka dab-demiska Somaliland, wixii ka danbeeya afarta bisha afarraad ee sannadkan aynu ku jirno. Wareegtadaasi oo dhammaystiranina waxay u dhignayd sidan:-

MARKAAN ARKAY: Qodobada 20aad iyo 42aad ee Xeerka Wadamarista Gaadiidka (Xeer L/r 56/2013);

MARKAN ARKAY: Qodobka 25aad Faqradiisa 8aad ee Xeernidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumada (Xeer L/r 01/2018) oo tilmaamaya Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta, isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeeggyada xamuulka ee waddanka.

MARKAN HLAY:  talo soo jeedin Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Qaranka ee hakinta soo dejinta iyo ka ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska ah ee dalka la keeno.

WAXAN SOO SAARAY WAREETADAN

1) In Gaadiidka Dab-Demiska laga mamnuucay in laga ganacsado guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda laga bilaabo afarta bisha April 2020,

2) Cid kasta oo u baahan soo dajinta Gaadiidka Dab-Demiska waa inay ogolaansho ka haystaan Taliska Guud ee Ciidanka Dab-damiska laga bilaabo taariikhda wareegtadan soo baxday.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this