Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska oo diiday shaqo loo soo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska oo diiday shaqo loo soo bandhigay

david-300x168.jpg
David Cameron

Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron ayaa diiday codsi uu usoo bandhigay ra’iisul wasaaraha haatan ee Boris Johnson oo ah inuu hogaamiyo shirka 26-aad ee isbaddallada cimilada ee bisha Nofeembar ka dhacay magaalada Glasgow ee dalkaas.

Cameron ayaa rumeysan in shaqadan la guddoonsiiyo wasiir ka tirsan dowladda.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli Claire O’Neill oo ahaan jirtay wasiirkii hore ee tamarta iyo dhaqaalaha laga qaaday xilkaas.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ingiriiska wax war ah kama uusan soo saarin arrintaas.

Lord Barker of Battle oo ahaan jiray wasiirkii tamarta iyo ka hortagga isbaddallada cimilada xilliggii Cameron ayaa BBC u sheegay in David Cameron uusan haatan dooneyn in uu dib ugu soo laabto siyaasadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this