Deeq A. Posted February 5, 2020 Diyaarad siday hub fara badan iyo gaadiid dagaal ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ka degtay garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay ka baxday M/Muqdisho, islamarkaana hubka iyo gaadiidkuba loogu talagalay ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey halkaasi. Dhinaca kale xiisad xoogan oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa ka taagan gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Xiisada ayaa timid, kadib markii xalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wata gaadiidka dagaalka aya wareegay qeybo badan oo ka mid ah magaaladaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay tahay xaaladda iyo dhaq dhaqaaqyada ka jira halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Faat-Jooy-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites