Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka socda dowladda Soomaaliya oo booqday degaanno ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefdi uu  hogaaminayo wasiirka beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Siciid Xusseen Ciid oo uu weheliyo Wasiirka wasaaradda Beeraha, Deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa booqday degaanno ka tirsan Puntland oo uu saamayn ku yeeshay Ayaxa.

Weftigan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah mas’uuliyiin ka socda hay’adda Beeraha Aduunka ee FAO oo ay hogaaminayeen Dominique Burgeon madaxa xaaladaha degdega ah iyo laqabsiga musiibooyinka ee hay’adda FAO iyo Keith cressman madaxa la dagaalanka iyo iskacaabinta u qaabilsan hay’adda FOA, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka  Soomaaliya, golaha wakiilada ee Puntland iyo madax kale waxaana ay soo indha indheeyey degaano ka tirsan gobolada Nugaal iyo Sool oo uu Ayaxu degey, kuwaas oo markii ay booqanayeen ay ka socotay howsha caabinta ayaxa.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada, Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa Puntland ku soo dhaweeyey weftigan oo ka kalayimid Muqdisho iyo Roma, waxaana uu sheegay in Ayaxu uu saamayn weyn ku yeelanayo Beeraha iyo dhuldaaqsimeedka Puntland, islamarkaasna uu weli dib ugu sii dhalayo gobolada Puntland, sidaasi darteedna ay tahay in wadajir ah loola  dagaalamo Ayaxa.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xusseen Ciid oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in Puntland ay  tahay halka ugu badan ee Ayaxu uu Soomaaliya kasoo galo lagana  dhagax dhigi doono xarunta Iskacaabinta iyo la tacaalida Ayaxa ee guud ahaan Soomaaliya.

5-2.jpg?w=1000&ssl=1 4-5.jpg?w=1000&ssl=1 3.png?w=1000&ssl=1 2-7.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka socda dowladda Soomaaliya oo booqday degaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this