Sign in to follow this  
Deeq A.

C/kariin Guuleed: DF waxay Gedo ka abuureysaa colaad iyo iska horkeen BULSHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxeweynihii hore ee maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuuseen Guuleed ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan oo ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka wado qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Cabdikariin Guuleed oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa marka hore ayaan darro ku tilmaamay in dowladdu abaabul iyo guluf dagaal ka sameyso degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, halkii looga baahnaa inay awoodeeda ciidan ee ay heyso u baabusho, una diyaariso dhankaas iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in wax dowladda lag sugayey aysan aheyn tallaabada ay qaaday iyo dhaq dhaqaaqyada ay haatan ka wado gobolkaasi.

Waxaa kale oo uu sheegay in arrintaan ay abuureyso colaad hor leh iyo iska hor keen bulsho intaba.

Ugu dambeyn wuxuu wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu baaqay dowladda dhexe inay joojiso dhaq dhaqaaqyada ay wado, islamarkaana waxii khilaaf ah ee ka dhexeeya hogaanka Jubbaland ay ku dhameyso wadahadal.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka

Waa ayaan daro in dowladda Soomaaliyeed halkii laga sugayey in awoodda ciidan ee ay heyso u abaabusho una diyaariso dhankaas iyo ladagaalanka kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay abaabul iyo guluf dagaal ka wado degmooyin ka tirsan gobalka Gedo, si ay oga bixiso gacan ku heynta maamulka Jubaland.

Run ahaantii ma aheyn arinkaas oo kale wax dowladda laga filaayey, waana arin abuureysa colaad iyo iska horkeen bulsho, fursadna siineysa codowga Al-shabaab.

Haddaba dowladda waxaan u soo jeedineynaa inay arinkaas joojiso, waxii is afgaranwaa ah ee kala dhaxeeya maamulka Jubalandna ku xaliso wadahal iyo is faham, halkii xoog, xoolo iyo wiilal lagu khasaarin lahaa dagaal dhexdeena ahna loo wajaho awoodda ciidan iyo cududeed oo dhan dhanlka ciribtirka iyo ladagaalanka xoogagga argagaxisada ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this