Deeq A. Posted February 5, 2020 Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in xalay ay la wareegeen gacan ku heynta degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka ay qabsadeen xarumaha maamulka ee degmooyinkaasi oo ay horay u joogeen ciidanka Jubbaland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka dhaq dhaqaaqyo cusub iyo howlgallo ballaaran ay ka wadaan halkaasi. Sida aan xogta ku helnay ciidamada la wareegay Beledxaawo iyo Luuq ayaa ah kuwii ay dhowaan dowladda Soomaaliya geysay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay Beledxaawo uu gaaray wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda federaalka, kaas oo markii dambe u gudbay dhanka magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites