Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Puntland oo howlgallo ka wada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa sheegaya in saaka howlgallo ay ka wadaan ciidamada ammaanka ee magaaladaasi.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanadaasi ayaa Shabelle u sheegay in u jeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga degmadaas oo ka tirsan gobolka Bari.

Sidoo kale waxa saraakiishu intaasi ku dareen in gacanta lagu soo dhigay tiro dad ah oo la tuhmayo, kuwaas oo ay hadda ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Shalay ayey aheyd markii askar ka tirsanaa ciidanka amniga Puntland lagu dilay toogasho ay fuliyeen kooxo hubeysan oo ka dhacday bartamaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this