Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa ka warbixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo diyaaradahooda dagaal ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska Africom ayaa lagu sheegay in howgal ay iska kaashanyeen ciidamada dowladda fedraalka ee sida gaarka ah u tababaran iyo diyaarado dagaal laga fuliyey gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in howgalka ciidamada huwanta ah oo ka dhacay deegaanka Beerxaani oo hoostaga magaalada Kismaayo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa dagaalyahannada Al-Shabaab ,kaas oo lagu duqeeyey saldhig uu ku sugnaa.

Sidoo kale taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inuu baarayo, haddii ay jiraan khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Ugu dambeyn wuxuu talisku tilmaamay inay sii wadi doonaan duqeymaha iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this