Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil Iyo Sudan Oo Markii Ugu Horraysay Xidhiidh Diblumaasi Yeelanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Dalalka Suudan iyo Israa’iil ayaa isku raacay inay yeeshaan markii ugu horreysay xidhiidh diblumaasi kadib markii labada hogaamiye ee dalalkaas ay ku kulmeen dalka Uganda.

hhj.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa kula kulmay magaalada Entebbe Madaxa Golaha Maamulka Sudan abdel Fattah al-Burhan.

War ka soo baxay Xukuumada Israa’iil ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla oggolaadeen inay yeeshaan iskaashi lagu hagaajinayo xidhiidhka labada dal.

“Waxa aanu isku raacnay in aan bilowno iskaashi horseedaya sidii caadi looga dhigi lahaa xidhiidhka labada dal.”ayuu ku soo qoray bartiisa Twitterka Netanyahu.

Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda Sudan Asmaa Mohamed ayaa sheegtay inay warbaahinta ay ka ogaatay wararka la sheegayo balse ma bixin faahfaahino dheeraad ah.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Sudan iyo afhayeenka dowlada ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen in ayna warba u hayn heshiiska Uganda ayna golaha wasiirada ka sugayaan kala cadeyn marka uu soo laabtao Burhan.

Sarkaal sare oo u hadlay Falastiin ayaa cambaareeyay kulanka waxana uu ku tilmaamay midi dhabarka loogaga dhiftay shacabka Falastiin.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay wadamada carabta oo sanadkii 1967dii ka soo saaray wax loo yaqaan “Saddexda Mayada ah” oo kala in aan la aqoonsan Israa’iil, in aan nabad lala wadaagin iyo inaan wadahadal lala yeelan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this