Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Deb-demiska Somaliland Oo Bakhtiiyay Dab Ka Kacay Gudaha Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Wajaale)-Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xarunta Wajaale ayaa shalay u gurmaday dab qabsaday laba qol oo ka mida guryaha shaqaalaha ee baanka Itoobiya ay ku leedahay degmadaasi.

Ciidanka-Dab-demiska.jpg

Ciidanka ayaa dabkaas ku hakiyay halkii uu ka bilaabmay, iyadoo ciidanka dab-demiska Somaliland ee Tog-wajaale ay badbaadiyeen dhammaan hantidii taallay Bankaas, iyadoo ay nabadgaleen dhammaan qaybihii kala duwaanaa ee baanka, waxaanay ciidanku sheegeen in la baadhaayo sababta dabkan dhalisay.

Todobaadkii hore ayey ciidanka dab-demiska Somaliland damiyeen dab weyn oo ka kacay suuqa Itoobiya ee daanta galbeed ee Wajaale, daminta dabkaas iyo xakamayntiisa ayaa ciidanku ku guuleystay inay dabkaas bakhtiiyaan.

Ciidaanka deb-demiska Somaliland ayey shacabka Somaliland ku bogaadiyeen dadaalka ay ugu jiraan badbaadinta naf iyo maal ee deegaanada Somaliland iyaga oo hadda bilaabay in ay u gurmadaan waddamada deriska.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this