Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Sadiq Warfa oo Paris uga qeybgalay shir weynaha Mustaqbalka Shaqada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa ayaa ka qeybgalay shir weynaha mustaqbalka shaqada oo ka furmay  magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Wakaaladda Wararka SONNa ayaa ku warrantay in Wasiirku uu shirkaasi ku soo bandhigay dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee xal u helida shaqo la’aanta ka jirtay dalka .

Wasaaradda aan hoggaamiyo wax ay dadal muuqda ku bixisay sannadkii tagay  sidii loo heli lahaa fursado shaqo iyadoo aan ka duuleyno tirada ugu badan oo dadkeena ah dhallinyaro si ay u helan fursado shaqo oo ay kagag marmaan shaqo la’aanta soo wajahaday .” ayaa SONNA ka soo xigatay Wasiirka.

Shir weynaha ayaa intii u socday waxaa  diiradda lagu saaray sidii ay wadda shaqayn dhawo u yeellan lahayeen shaqaalaha iyo maamulka ay  hoostag si ay u yaraato ka war qab la’aanta xaaladda dadka ka shaqeeya xaruumaha dowladda.

Dhinaca kale, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiq Warfa ayaa la kulmay  ra’iisul wasaaraha dalka Sweden, Stefan Lofven oo uu u gudbiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay wada-hadallada bulshada iyo xal u helida shaqada,iyadoo wadajir loo shaqeynayo. Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda Sweden uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya.

aa.jpg?w=1000&ssl=1 bb.jpg?w=1000&ssl=1 cc.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiir Sadiq Warfa oo Paris uga qeybgalay shir weynaha Mustaqbalka Shaqada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this