Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo Deyntii ka cafiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Jaaliyadaha shan waddan oo ku nool Sucuudiga, ayaa laga  cafiyay lacagtii  looga qaadi jiray da fisah dal ku jagalka  kadib markii ay iska  bixiin waayen.

Shanta dowladdood ee jaaliyadoodan laga cafiyay daymaha ayaa waxaa ka mid ah Somaaliya,Itoobiya, Ereteriya ,Naajeeriya iyo Jaad iyadoo qunsuliyadaha guud ee wadamadaasi u fadhiyay magaalada jiddah ay si wada jir ah ay kulan ulaa qaateen  madaxa xarunta shimees ee maamulka ajaanibka usaama abu milxa iyo madaxa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka sacuudiga u qaabilsan xarunata shimess al sayid khaliil bin axmed iyo masuuliyiin  kale oo ka tirsan xaruntaasi ayaa islaa  gorfeeyeen intii uu socday

Sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto cafiska lacagaha  ee ay ku yaboohaday dowladda Sucuudiga

Masuuliyiinta maamulka xarunta shimees ayaa sheegay in ay ahmiyada balaaran ugu jirto dhamaan jaaliyadaha dalalka laga cafiyay lacagta loona baahan yahay in loo fududeyo safarka dadka dib ugu labanaya  dalalkooda.

PUNTLAND POST

The post Sacuudiga oo Deyntii ka cafiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this