Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa diyaaarinta qaraxyada oo la khaariyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Africom ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday deegaanka Beerxaani oo ku yaalla galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Africom ayaa sheegtay in weerarkaan lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Africom ayaa sidoo kale xaqiijisay in duqeyntaasi dhanka cirka ah lagu dilay sarkaal ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shababaab, kaas oo ku sugnaa deegaanka Beerxaani.

Qoraalka ka soo baxay Africom ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in howlgalkaani ay gacan ka geysteen ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin khasaare soo gaaray rayidka ku dhaqan deegaanka la duqeeyey, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidanka Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa magaca sarkaalka la khaarijiyey ku sheegay, Maxamed Xuseen (Abuu Muxsin), kaas oo ay sheegeen inuu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka diyaarinta qaraxyada.

Dhowaan ayey aheyd markii duqeyn tan la mid ah uu Mareykanka ka fuliyey Jubbooyinka, taas oo lagu khaariyey xubin ka tirsaneyd Shabaab.

Tan iyo markii la guda galay sanadkaan 2020-ka diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka fuliyaan gobollada dhacan koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this