Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay xubno ka tirsan Isimada Dhaqanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Villa Somalia CASHA SHARAF ugu sameeyay, xubno ka tirsan Hoggaanka Dhaqanka Puntland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha, waxa kulanka uu Isimada la qaatay ku weheliyay wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Isimada Puntland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida ee uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha, ayaa maalmahan Muqdisho u joogay Hawla la xiriira dhammaystirka Heshiisiinta laba beelood oo horay ugu dagaallamay degaanka Dhummay ee koonfurta Gobolka Sool.

Balse, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaan faahfaahin ka bixin Arrimaha looga wada-hadlay kulanka dhexmaray Mudane Khayre iyo Isimada Dhaqanka ee Puntland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida, marka laga reebo qoraal kooban oo lagu sheegay in Ra’iisul Wasaarugu CASHA SHARAF u sameeyay Isimadaasi.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre oo caawa casho sharaf u sameeyay Isimmada dowlad gobaleedka Puntiland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa bogaadiyay dowrka dhqanka ee horumarka bulshada” ayaa lagu yiri Qoraalka.

2-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 7-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 8-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay xubno ka tirsan Isimada Dhaqanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this