Deeq A. Posted February 4, 2020 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa ka dhacay degmada Dharkenley ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Toogashadda ayaa si gaar ah kaga dhacday gudaha Suuq-Boocle, sidda ay Shabelle u xaqiijiyeen dadka degaanka. Ninka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Hilowle ayaa la tilmaamay in uu iibin jiray Muuska ama Mooska. Sidda laga soo xigtay goobjoogeyaal, kooxihii dilka geystay ayaa ka cararay meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah ka sameeyey,wallow ilaa iyo hadda asyan jirin cid ay u qabteen dilkaas. View the full article Share this post Link to post Share on other sites