Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho ka dhacday magaaladda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Ugu yaraan hal askari ayaa dhintay mid kalena waa dhaawacmay markii dabley ay rasaas ku fureen bartamaha Boosaaso.

Kooxdii dilka ka dambeysay ayaa la sheegay in ay baxsadeen.

Askarta dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa la shaqeynayey Waaxda canshuuraha berriga ee wasaaradda maaliyada Puntland.

Ma jirto wax war ah oo laamaha ammnigu ay ka soo saareen toogashadda.

Sidoo kale, ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falkaan oo aan ahayn midkii ugu horeeyay oo noociisa oo ka dhaca xarunta gobolka Bari.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this