Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlusunna Oo Shaaca Ka Qaaday in Aysan Aqoonsaneyn Doorashii Madaxweyne Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ahna Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn doorashadii madaxweynaha Galmudug  loogu  doortay Cabdi kariin Cali Kaariye Qoor Qoor iyo  ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir ayaa lagu xusay in dhankooda aysan aqoonsaneyn doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada dhuusamareeb laguna doortay Madaxweyne Qoor qoor iyo Cali Daahir Ciid.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri Ahlusunna  waxaa ay ku war gelineysaa beesha caalamka iyo dadka reer Galmudug  in aysan wax wadahadal uusan dhexmari doonin  dowladda federaalka ah iyo Ahlusunna uusan.

Ugu dambeyn waxaa warsaxaafadeedka baaq loogu jeediyey ciidamada ammaanka  gaerabka Ahlusunna ayadoona loogu baaqan in ay ka fogaadaan wax waliba oo iska hor imaad keeni kara ka dhasha khilaafka ka taagan dhismaha Galmudug.

Halkaan ka Akhriso

 

War-1.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this