Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shaakir oo go’aan ka kooban 5 qodob kasoo saaray doorashadii Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay doorashadii labadii bishan ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Qoor Qoor.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuusan aqoonsaneyn doorashadaas, islamarkaana ay ahayd mid “aan waafaqsaneyn” dastuurka Galmudug iyo kan Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale beeniyey inuu jiro wada-hadal u socdo isaga iyo dowladda dhexe, taasi oo uu ku qeexay “dacaayad ay faafineyso” dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono midnimada Galmudug iyo sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu ugu baaqay ciidamada anmiga iyo shacabka Galmudug in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara iska hor-imaad.

Sheekh Shaakir ayaa ugu dambeyn ku war-geliyey maamullada iskuullada Galmudug inaysan ogolaan in ardayda loo adeegsado arrimo siyaasudeed, looguna goodin in ay shahaadadoodu ku xiran tahay, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shaakir

84190830_1954978821313168_75115269989974

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this