Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo bilowday qorshe looga hortagayo Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa  bilowday baaritan caafimaad oo lagu sameynayo dadka safarka ee isticmaalaya garoonka diyaaradaha   Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ololaha baarista ah ayaa looga goleeyahay ka hortaga feyriska dilaaga ah ee Coronavirus oo dhawaan ka dilacay dalka Shiinah  kasoo usoo gudbay dalalka caalamka dadka ayaa lagu baaraya gudaha garoonka marka ay soo dagaan si looga hortago halista ka imaan karta cudurkan.

Dhakhaatiirta Caafimaadka oo ay ugu tala gashay wasaaradda  ayaa lageeyay garoonka si ay usameyan  baaritaanka ku aadan cudurka Coronavirus oo gud ahaan  caalamka ay ka muujiyeen  digniino qatar ah.

Qalabka loogu tala galay in lugu baaro ayaa la dhigay qaybta hore ee laga soo galo garoonka  diyaaradda si loo xaqiijiyo xaaladdaha caafimaad ee dadka isticmaalaya diyaaradaha u kala gudbaya gudaha dalka iyo dibada.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

7-2.jpg6-2.jpg 5-2.jpg 4-3.jpg 3-3.jpg 2-3.jpg 1-3.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this