Deeq A. Posted February 4, 2020 Ha’ayad falanqeysa cunada iyo nafaqada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano FSNAU, kana howlgasha Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegtay in ku dhawaad 2 milyan oo ruux oo Soomaali ah ay cuno yari ku wajahayaan Soomaaliya. Ha’yaddan oo falanqeysa wax soo saarka cunada iyo nafaqa Soomaaliya ayaa hoos timaada ha’yadda cunada duunka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano FAO. Warbixin ay ha’addu soo saartay ku sheegtay in qiyaastii 1.3 milyan oo ruux ay wajahayaan xaalad cuno yari oo baahsan,kadib markii la waayey roobabkii la filayay inay da’aan iyo beeraleyda qaar oo dalagyadoodii uu dhibaateeyay xayawaanka Ayaxa dabayaaqada sanadkii tagay ee 2019-kii Sidoo kale hay’adda aya sheegtay in laga cabsi qabo in cuno yari ay soo food saarto dad ku dhow laba milyan oo ay sheegtay in ay sameeyeen colaado, abaaro iyo fatahaado sanadkii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada dalka. Warbixintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan xukuumada federaalka iyo hay’adaha gargaarka ay si wadajir ah u daah fureen mashruuc ku kacaya malaayiin Dollar oo looga jawaabayo xaaladaha ban’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites