Deeq A. Posted February 4, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dibadbax hoggaanka cusub ee Galmudug lagu qabtay dagmada Guriceel ee gobolkaasi. Dibadbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne fara badan, sida odoyaasha, haweenka, ardayda iyo maamulka degmadaasi. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Bashiir Cabdiraxmaan Shekeeye iyo guddoomiye ku xegeenka 2-aad, Faarax Cabdi Macalin ayaa munasabadda soo gabagabeeyay waxaana ay soo dhaweyeen madaxweynaha cusub Galmudug, Axamed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cali Daahir Ciid oo lagu doortay Dhuusamareeb. View the full article Share this post Link to post Share on other sites