Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo dalbaday in la soo qabto Wasiir Janan

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in la soo qabto wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo maanta gaaray magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Cabdirashiid Janan ka baxsaday goob lagu hayey 28-kii Janaayo, isla markaana uu 31-kii Janaayo ka degay magaalada Kismaayo isagoo isla maalintaas diyaarad ku tagay dalka Kenya.

Qoraalka.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Booliska Soomaaliya oo dalbaday in la soo qabto Wasiir Janan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this