Sign in to follow this  
Deeq A.

Odowaa: Farmaajo wuxuu dalka ku soo kordhiyey dulmi iyo inuu dadka qasbo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, kana mid ahaa musharraxiintii isku soo taagay hoggaanka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa eedeymo culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Odowaa oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in nidaamka Farmaajo uu dalka ku soo kordhiyey dulmi, kuna qasbo inay dadku aqbalaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha sida ula dhaqmeen dhismaha Galmudug ay bar madow ugu noqon doonto taariikhda, lana ilaawi doonin.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu u istaagi doono isku baadi-goobka Galmudug mid ah, si loo xaliyo tabashooyinka haatan jira.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan jirin sabab uu ku taageero doorashadii Dhuusamareeb ee Qoor Qoor, isagoo sheegay inuu markii horaba cadaalad darro uga haray.

Halkaan hoose ka aqriso:

Raggu waa Mawaaqif الرجال مواقف

Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay.

Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda.

Sideed bilood oo gacan maroojis iyo amar ku taagleyn ah waxa ay natiijadii noqotay in ay saakay Galmudug leedahay saddex maamul oo ay ayagu mid dhisteen.

Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen.

Inta ka horeysa dulmi iyo garbaduub muuqda kama noqon doono marqaati-beenaale, cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this