Deeq A. Posted February 4, 2020 Wasiirka Amniga dowladda Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa goor dhaweyd gaaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, sida ay shaacisay Jubaland. Maamulka iyo Bulshada Beled-xaawo, ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey halkaas, waxaana la filaya in uu mar dhow la hadlo warbaahinta kana warbixiyo afduubkii ay dowladda Federaalka ugu geysatay magaalada Muqdisho. Wasiir Janan, ayaa 31 bishii January ee la soo dhaafay, waxa uu gaaray magaalada Kismaayo, kadib markii uu 28 isla bishaasi ka soo baxsaday xabsi ay mudda 5 bilood ah ku haysay dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa saacado kooban oo uu joogay magaalada Kismaayo, waxa uu uga sii gudbay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, halkaasi oo uu maalmahan ku sugnaa. Dhinaca kale, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa War-saxaafadeed ay shalay soo saartay, waxay dowladda Kenya kaga dalbatay, in ay qabato Wasiir Janan, isla markaana ay u gudbiso dowladda Soomaaliya si maxkamad loo saaro. Amensty International, ayaa Wasiirka ku eedaysay in uu galay dambiyo cuslus oo ka dhana sharciyada caalamiga ah, iyo kuwa xuquuqda aadanaha, sidaasi darteedna ay tahay in uu wajaho Caddaaladda. 31-dii August 2019, Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa Wasiir Janan ka qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia. 6-dii October 2019, ayaa sidoo kale la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu galay denbiyo kala duwan, balse maxkamadda ayaa amartay in la soo dhammaystiro caddaymaha loo hayo kiiskiisa. PUNTLAND POST The post Wasiir Janan oo lagu soo dhaweeyay degmada Beled Xaawo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites