Deeq A. Posted February 4, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi oo hootaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday saldhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaafadda Buufow Bacaad oo ka tirsan magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday madaafiic lagu garaacay saldhiggaasi, kadibna uu xigay dagaal foolka fool ah. Ma cadda illaa iyo hadaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana saldhigga la weeraray ku sugan ciidanka AMISOM oo dhaq dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites