Deeq A. Posted February 4, 2020 Hay’adda nabad suggida & sirdoonka Qaranka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaaf muddooyinkii dambe ka dhex taagnaa hoggaanka Xarakada Al-Shabaab NISA ayaa xalay soo saartay qoraal kooban oo lagu faafiyey boggeeda Twitter-ka waxayna ku sheegtay in hogaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda uu xilalkii ka xayuubay, Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay) iyo Bashiir Maxamed Maxamuud (Bashiir Qoorgaab), sidoo kalena uu ka saaray golaha fulinta ee ururkaasi. Qoraalka NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay inay tani timid, markii ay labadaasi xubnood Amiirka Al-Shabaab ka dalbadeen inuu joojiyo qaraxyada ka dhanka ah shacabka ku nool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. “Axmed Diiriye, Horjoogaha argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qoorgaab Golaha Fulinta Xarakada, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen Xarakada, ka dib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.” Ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Ay Xalay ku Faafiyeen Bogooda Fariimaha gaagaaban View the full article Share this post Link to post Share on other sites