Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Waxba Kama Jiraan Ka Dhigtay Doorasho Sannadkii Hore Ka Dhacday Dalka Malaawi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Malaawi)-Maxkamada dastuuriga ah ee wadanka Malaawi ee koonfurta Qaaradan Afrika ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay doorashadii madaxtinimada ee Sannadkii hore ka dhacday Dalkaasi.

106997963_maalawi-new-comp.jpg

Doorashadan oo dhacday bishii May 2019 ayaa dib loogu doortay madaxweyne Peter Mutharika, taasi oo dhalisay banaanbaxyo iyo iska hor-imaadyo ballaadhan oo ka dhacay wadankaasi oo lagu diidan yahay natiijada doorashadda.

Madaxweyne Mutharika ayaa codad tiro yar kaga guulaystay musharixii la tartamayay ee Lazarus Chakwera, isagoo helay 38.5% codadkii la tiriyay. Ninka la tartamayay ayaa ku gacan sayray natiijada isagoo sheegay in la xaday doorashadii waxaana uu dacwad u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ee dalkaasi.

Maxkamadu waxay amar ku bixisay in muddo 150 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho cusub, maxkamadu waxay kaloo xukuntay in madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenku ay xilka sii hayn doonaan ilaa iyo inta la dooranayo madax cusub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this