Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaan Lagu Xukumay 99 Sanno Oo Xabsi Ah Kadib Markuu Lacag Awgeed U Dilay Hooyadii

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Chicago)-Fannaan u dhashay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay 99 sano oo xabsi ah ka dib markii uu lacag ku bixiyay in la dilo hooyadiis, si uu ula wareego hantideeda ugu jirtay bangiga.

202023637163331582602575.jpg

Qaw’mane Wilson oo loo yaqaano “Young QC” waxaa lagu helay inuu shirqoolay hooyadiis sanadkii la soo dhaafay, waxaana lagu xukumay noloshiisa inta ka hadhay in uu ku qaato xabsi.

Hooyadiis oo lagu magacaabi jiray Yolanda Holmes ayaa lagu dilay xabbad iyo Mindi, waxaana dilkeeda ka dambeeyay oo fuliyay Eugene Spencer isagoo amar ka helayay wiilkeeda Wilson.

Fannaanka ayaa u isticmaalayay lacagta uu darteed u dilay hooyadiis, inuu ku muujiyo oo uu kor ugu qaado fankiisa, isagoo inta badan siin jiray kumanaan kun oo doollar taageerayaashiisa.

Maxkamada Heesagaan xukuntay waxay sheegtay intii uu xukunku dhacayay in Holmes ay ahayd hooyo dadaashay oo wiilkeeda siisay wax kasta oo uu doonayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this