Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo Al-shabaab iyo AMISOM ku dhexmaray duleedka degmada Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, weerar culus o xalay malayshiyaadka  Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Buufow Bacaad ee duleedka magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka Buufow, ayaa soo sheegaya in Saldhiga Ciidamada AMISOM uu ka dhacay dagaal muddo saacad ku dhow socday, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan, in dagaalkaas uu ku geeriyoodey hal ruux laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa dad Rayid ah deganaa meel u dhow Xerada Ciidamada AMISOM ee la weeraray.

Dad ku sugan degaanka Buufow ayaa sidoo kale waxay  sheegeen in Ciidamada AMISOM ay tiro madaafiic ah rideen kadib markii dagaalka uu dhacay,hayeeshee lama shaacin wax khasaaro ah oo ka dhashay madaafiicdaas.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo Al-shabaab iyo AMISOM ku dhexmaray duleedka degmada Marka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this