Sign in to follow this  
Deeq A.

Sannadkii hore ka dhacday dalka Malawi oo dib loogu celinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Dastuuriga ee dalka Malawi, ayaa laashay natiijada doorashadii muranka dhalisay, ee uu sanadkii hore ku guulaystay madaxweyne Peter Mutharika.

Garsoorayaasha maxkamadda, ayaa sheegay  in wax isdaba marin badan ay haraysay doorashadii dhacday 21-kii May 2019, waana doorashadii ugu horreysay ee natiijadeeda maxkamad lala tiigsado tan iyo markii uu wadankaasi madax bannaanida qaatay 1964.

Doorasho horleh ayaa la qorsheeyay, in ay dhacdo mudda 151 maalmood gudahood. Tan iyo markii la shaaciyay natiijada doorashadii hore, waxaa Malawi ka socday dibad-baxyo ka dhan ah dowladda.

Madaxweyne Peter Mutharika, ayaa doorashadaasi ku guulaystay kadib markii uu helay 38.6% codadkii la dhiibtay.

Musharraxiinta mucaaradka ee Lazarus Chakwera iyo Saulos Chilima oo galay kaalimaha labaad iyo saddexaad ayaa maxkamad geeyay dacwad ah in doorashadu aanay si xalaal ah u dhicin.

Go’aanka maxkamadda ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii hay’adda la dagaallanka musuq-maasuqa ee dalkaasi ay xirtay ganacsade caan ah oo lagu eedeeyay in uu laaluush u soo bandhigay  shanta garsoore ee kiiska qaaday.

PUNTLAND POST

The post Sannadkii hore ka dhacday dalka Malawi oo dib loogu celinayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this