Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadii Jubaland ee ay la wareegtay dowladda Federaalka oo la sheegay in ay dib uga soo laabteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Telefishinka dowlad goboleedka Jubaland, ayaa saaka baahiyay in dhammaan ciidamada Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo, ay dib ugu laabteen xeryohoodii ciidan kadib diiwaan galin sharci darro ah oo ay ku samaysay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxman Maxamad Xassan, oo  wareysi gaar ah  siiyay Barnaamijka Falanqaynta wararka ee Jubbaland TV ka baxa, ayaa sheegay in ciidankan oo si sharci darro ah lagaga soo saaray xeryohoodii gobolka Gedo, laguna khasbay in ay isu diiwaan galiyaan in ay kamid yihiin Ciidamada Federaalka, ay haatan dhammaantood dib ugu laabteen xeryahoodii.

 Warkaasi ayaa ku soo beegmay, xilli mudooyinkii dambe ay dowladda Federaalka ciidamo kala duwan ku daabulaysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, islamarkaana ay sheegtay in ay la wareegtay ciidamadii Daraawiishta Jubaland ee gobolkaasi ku sugnaa, kadib diiwaan-gelin lagu sameeyay.

Mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Jubaland, ayaa dhankooda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay xiisad iyo colaad ka abuurayso gobolka Gedo, si gobolkaasi looga jaro dowlad goboleedka Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Ciidamadii Jubaland ee ay la wareegtay dowladda Federaalka oo la sheegay in ay dib uga soo laabteen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this