Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil iyo gabar aroos ahaa oo qarax ku dhintay iyaga oo kusoo socda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Waxay faah faahin ka soo baxaysaa qarax ay dad rayid ah ku dhinteen oo shalay galab ka dhacay Deegaanka Lafoole, oo ku yaalla wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shan qof oo la socday gaarigan oo nooca raaxada ahaa ayay miinada kula kacday meel aan ka fogayn Isbitaalkii Xaawo Cabdi, iyadoona ay halkaasi ku geeriyoodeen dhammaanba dadkii gaarigaasi saarnaa, oo darawalkiina uu ka mid ahaa.

Dadkan oo ka yimid xaafadda Malable ee Degmada Wanlaweyn ayaa waxay ku sii jeedeen Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya shanta qof ee ku dhimatay qaraxa inay ku jireen wiil iyo gabar isu soo mehersaday Degmada Wanlaweyn, kuwaa oo markii horeba ka tagey Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxaasi loola dan lahaa gaari Cabdi Bille ahaa, oo ay la socdeen Ciidamada Dowladda, hase ahaatee uu haleelay gaarigii ay rayidka la socdeen oo daba socday.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Somaliya ay ciidankii ugu badnaa ku soo daadisay wadada isu xirto Muqdisho iyo Afgooye, si looga hortaggo weerarada Al Shabaab ee ka dhanka ah Injineerada Turkiga, ee dhiseysa wadadaasi.

Isla maanta dad kaloo aroos u socday ayay gaarigoodii miino ku haleeshay wadada xiriirisa Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. Inta la ogyahay waxaa ku dhintay afar qof, halka lix kalena ay ku dhaawacantay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this