Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo shaacisay in Axmed Diiriye ‘uu xilalka ka xayuubiyey’ Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal ay caawa soo saartay shaaca uga qaaday khilaaf weyn oo ka dhex jira kooxda Al-Shabaab, kaasi oo horseeday is-beddelo weyn.

Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ee xarakada Al-Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen “joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.”

Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.

— NISA (@HSNQ_NISA) February 3, 2020

NISA ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer, mana shaacin sida ay ku heshay xogtan xasaasiga ah ee kooxda Al-Shabaab dhexdeexa ka timid. Sidoo kale ma jiraan ilo-wareedyo si madax-banaan u xaqiijin kara warkan.

Hase yeeshee, qoraalkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab ay sheegatay weerarkii 28-kii December ee Ex-Control Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo lagu dilay in ka badan 80 qof oo badankood ahaa dad shacab ah.

Al-Shabaab ayaa qirashadaas ka sokow waxay raali-gelin ka bixisay dadka shacabka ah ee halkaas lagu laayey, taasi oo ahayd tallaabo aan looga baran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this