Deeq A. Posted February 3, 2020 Muqdisho (SMN) – Afar qof ayaa ku dhimatay qarax maanta ka dhacay degaanka Xaawa Cabdi ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, kaasi oo lala eegtay baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah. Ma cadda hadii qaraxa uu ahaa mid lagu soo dhejiyey gaariga ama in uu ku diyaarsanaa meesha ay wax ka dhaceen. Babauurka ayaa la sheegay inuu ahaa nooca Kaarib, waxaana la sheegay guud ahana inay saarnaayeen shan qof. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, inkastoo degaanka uu qaraxu ka dhacay la ogyahay inay si xooggan uga hawlgalaan Al-Shabaab. Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin falkaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites