Sign in to follow this  
Deeq A.

Amnesty International oo dalbatay in lasoo qabtay Janan

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, isla markaana ay u gudbiso dawladda Soomaaliya si maxkamad loo saaro.

War saxaafadeed kasoo baxay Amnesty International ayaa lagu sheegtay in Cabdirashiid Janan loo qabtay “dambiyo culus” 31-kii August ee sannadkii hore loona baahan yahay in caddaaladda la marsiiyo.

Waxay xustay inay tahay arrin aan caqligal ahayn in Janan oo lagu tuhunsan yahay mas’uuliyadda dambiyo liddi ku ah sharciyada caalamiga ah, iyo kuwa xuquuqda aadanaha inuu ka baxsado caddaalladda.

Kenya ayay ugu baaqdey inay qabato, si degdeg ahna ugu gacan geliso dawladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dawladda Soomaaliya inay maxkamadayntiisa ka dhigto mid waafaqsan sharciyada caalamiga ah, iyadoo aan dib loo ridin.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Cabdirashiid Janan ka baxsaday goob lagu hayey 28-kii Jannaayo, isla markaana waxa uu 31-kii Janaayo ka degay magaalada Kismaayo isagoo isla maalintaas diyaarad ku tagay dalka Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this