Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Warfaafinta Oo Kulan La Yeeshay Madaxa Shirkada DP World U Qaabilsan Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxa guud ee shirkada Dpworld u qaabilsan Somaliland Mr. Supachai Wattanaveerachai.

FB_IMG_1580737845288.jpg

Kulankan oo ay wasiirka ku weheheliyeen agaasimayaasha waaxyaha Telefiishanka Qaranka Maxamed Xasan Cali (Weji), Wada-Xidhiidhka Qaranka Muna Maxamuud Toosane, iyo Qorshaynta iyo Istaastikadda Md. C/qaadir Dayib Askar.

Ujeeddada kulanka ayaa ku saabsanayd sidii loo abbuuri lahaa iskaashi iyo wada-shaqayn dhaw oo dhex marta wasaaradda warfaafinta iyo shirkada caalamiga ah ee Dpworld si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada Somaliland ee mashaariicda horumarinta ee Dpworld Somaliland ka wado.

Madaxa guud ee shirkada Dpworld ee Somaliland Mr. Supachai oo halkaasi ka hadlay ayaa wasiirka uga mahadceliyey marti qaadka uu u sameeyey, waxaanu soo dhaweeyey wada-shaqayn dhex marta wasaaradda iyo shirkada Dpworld, wuxuuna ballan qaaday in uu taageero la garab istaagayo warbaahinta dawladda iyo xarunta Wada-Xidhiidhka Qaranka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this