Deeq A. Posted February 3, 2020 Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari, dalka Kenya ayaa sheegay in gudaha degmadaasi, gaar ahaan deegaanka Dadbule ay ku arkeen dhowr iyo toban dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo aad u hubeysnaa. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo magaceeda lagu soo koobay Maryan ayaa sheegtay in tirada dagaalyahanada Al-Shabaab ay arkeen ay gaarayeen ilaa 12 dagaalyahan oo hubeysan, islamarkaana ku sii jeeday qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Sidoo kale haweeneydaan ayaa sheegtay in dagaalyahannada ay arkeen ay meel fagaare ah kula hadleen dadka deegaanka, islamarkaana ay ku war galiyeen in joogitaankooda aysan ogeysiin laamaha ammaanka ee dalka Kenya. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ee lagu arkay nawaaxiga Wajeer ay damacsan yihiin inay weeraro cusub ka fuliyaan halkaasi. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana cabsi xoogan ay ka jirtaa deegaano badan oo dhaca xadka Soomaaliya, halkaas oo sidoo kale dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan ciidamada Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites