Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Banaanbaxyo ballaaran oo lagu taageerayey doorashadii shalay lagu doortay hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Dibadbaxyada oo ay ka qeyb galeen dadweyne fara badan ayaa ka kala dhacay degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq iyo sidoo kale Gaalkacyo.

Sidoo kale dibadbaxayaasha oo gacmaha ku sitay sawirrada madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa ku qeylinayey erayo kala duwan oo ay ku taageerayeen.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayey wadooyinka ku yaalla magaalooyinka ay dibadbaxyadu ka dhaceen.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

2-1 1-1 gaaalkc-768x576-1

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this