Deeq A. Posted February 3, 2020 Cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaanno Haramcad, ayaa saaka diyaarad looga qaaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa ku wajahan degmada Luuq ee gobolka Gedo, sida ay Shabelle u xaqiijiiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dhinaca kale wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in ay qalalaaso ka wado gobolka Gedo halkaasi oo maalmihii dambe ay ku daabulaysay ciidamo kala duwan. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hub iyo gaadiid dagaal ay dowladdu geysay degmooyin dhowr ah ka tirsan gobolka Gedo, si ay halkaas colaad uga abaabusho, islamarkaana isaga hor-keento shacabka iyo madaxda dowlad goboleedka Jubaland. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gobolkaan ka taagnaa dhaq dhaqaaqyo milatari oo u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka iyo sidoo kale kuwa Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites