Deeq A. Posted February 3, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale maanta uu dagaal dib uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ay wuxuu u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo wada dega tuulada Dalsan oo 13 KM galbeed ka xigta magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii dhinac ka mid ah maleeshiyaadkaasi uu qaaday weerar culus oo uu xigay dagaal foolka fool ah. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana tuulada lagu dirirayo gabi ahaan isaga barakacay shacabkii daganaa. Dhinaca kale Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda oo u warramay Shabelle ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedkaasi. Gaas ayaa sheegay in xubno ka tirsan Jubbaland ay hurinyaan colaada u dhexeysa labadaasi beel ee ka taagan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Shardi-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites