Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo hambalyo u dirtay hoggaanka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo ku xigeenkiia oo shalay lagu doortay gudaha magaalada Dhuusamareeb.

AMISOM ayaa ugu baaqday madaxweynaha cusub ee Galmudug inuu waqti badan ku bixiyo dadaallada nabadeed ee maamulkaasi.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo qabyo ah, islamarkaana loo baahan yahay inuu wax ka qabto madaxweyne Qoor Qoor.

Ugu dambeyn AMISOM ayaa warkaan ku sheegtay in ciidamadeeda la geeyey degmada Dhuusamareeb ay ka war qabaan beesha caalamka iyo dowlada dhexe, islamarkaana ay Galmudug kala shaqeyn doonaan kaliya arrimaha ammaanka ee maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this