Sign in to follow this  
Deeq A.

Bannaan-baxyo abaabulan oo maanta ka dhacaya Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada  Dhuusamareeb waxay sheegayaan in maanta  halkaasi lagu qabanayo bannaan-baxyo lagu taageerayo madaxweynaha Shalay la doortay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

 Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb aayaa sugaya ammaanka goobaha loo qorsheeyay isku soo baxa in lagu qabto.

Balse weli Lama shaacin haddii madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ama mas’uuliyiin kale ay ka qayb geli doonaan bannaan-baxyada halkaasi ka dhacaya maanta.

Dibadbaxyada ayaa la sheegay in ay soo abaabushay dowladda Federaalka Soomaaliya si ay Caalamka ugu muujiso farriin ah in Shacabka Galmudug ay taageersan yihiin mid kamid ah saddexda madaxweyne ee loo doortay Galmudug Mr Qoor Qoor.

PUNTLAND POST

The post Bannaan-baxyo abaabulan oo maanta ka dhacaya Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this